Howlgallo dad lagu soo qabqabtay oo laga sameeyay Islii

maalik_som December 7, 2012 Comments Off

Nairobi (Sh.M.Network)— Ciidamada dowlada Kenya ayaa howlgalo dad badan ay ku soo qabteen waxa ay ka sameeyeen Magaalada Nairobi.

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada dalkaasi ay howlgalo ka sameeyeen Nairobi gaar ahan xaafada Islii ay ku soo qabqabteen dad badan oo ay ku jiraan Soomaali.

Dadka howlgaladan lagu soo qabqabtay ayaa waxaa lala xiriirinayaa in ay ku lug leeyihiin Qarax habeen ka hor ka dhacay Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada ay ku badanyihiin dadka Soomaalida ee Islii kuwaasi oo loo taxaabay xabsiyada kuyaala Magaaladaasi.

Saraakiisha booliska Kenya ayaa sheegay in ay dadkan la qabqabtay baaritaano lagu sameyn doono cidii danbi lagu helaana la hor keeni doono cadaalada.

Sikastab dadka Soomaalida ah ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa la kulma mararka ay dhacaan qaraxyada qabqabasho ay u geystaan Ciidamada booliska Kenya , kuwaasi oo sameeyo howlgalo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter