Afgooye: (Sh.M.Network) Ciidamada Dowladda ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degmada Afgooye waxa ay kusoo qab qabteen dad la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Sh/hoose Mahdi Axmed Xasan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howlgallo Ciidamada Dowladda ay ka sameeyeen gudaha degmadaasi.
Mahdi Axmed Xasan ayaa waxa uu sheegay in howlgallada ay fuliyeen Ciidamada nabad sugidda islamarkaana uu tibaaxay inay gacanta ku dhigeen rag lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxyo shalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Guddoomiyaha ku xiggeenka ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Nabad sugidda, booliska iyo Militariga ay xaqiijinayaan ammaanka degmada Afgooye, islamarkaana ay ka hortagayaan dhibaato loo geysto shacabka ku dhaqan gudaha degmadaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay in cid waliba oo aan dambi laheyn ay sii dayn doonaan sida uu hadalka u dhigay.
Howlgalladaani ayaa waxa ay imaanayaa xilli shalay gudaha degmada Afgooye labo qarax oo si xig xigay lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa gudaha degmadaasi.























Comments are closed.