Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo ka dhacay Wadajir, Muqdisho

maalik_som September 22, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Howlgalladaani ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen Xaafadda Buul-Xuubey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo la arkayay Ciidamada Dowladda oo mid mid u baarayay Xaafadaha qaar ee degmadaasi. 

Ujeedka howlgallada ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka degmada, waxaana la tilmaamay in howlgalladaasi lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilalkii dhawaan ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xiggeenka degmada Wadajir ee Dowladda Soomaaliya Xuseen Bootaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in howlgalladaani ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayay ammaaanka, isagoo xusay in howlgallada lagu soo qab qabtay dad farabadan oo lala xiriirinayo ammaan darri sida uu hadalka u dhigay. 

Xuseen Bootaan ayaa waxa uu sheegay in Maamulka degmada uu aad ugu xun yahay dilalkii dhawaan ka dhacay, kuwaasi oo loo geystay dad shacab ah iyo Askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inay sii wadi doonaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka. 

Maalmihii dambe ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan, iyadoo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter