Howlgallo dad lagu qab qabtay oo laga sameeyay Baydhabo

maalik_som October 12, 2012 Comments Off

Baydhabo: (Sh.M.Network)—Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, iyadoo la sheegay in howlgalladaasi dad badan lagu soo qab qabtay. 

Guddoomiyaha gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya C/fitaax Ibraahim Geeseey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in howlgallada ka socda Magaalada Baydhabo ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka islamarkaana looga hortagayo falalka ammaan darri ee mar waliba ka dhaca gudaha Magaaladaasi. 

“Ciidamada Dowladda ayay ahaayeen waxay galayeen Xaafadaha iyo Mehradaha ganacsi ee ku yaalla Magaalada, dad badan ayay qab qabteen, tiradooda ma sheegi karo” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah. 

Xaaladda ayaa degan, waxaana howlgalladaani ay imaanayaan xilli Ciidamada Dowladda Soomaaliya xalay qarax Miino lagula eegtay gudaha Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Comments are closed.

Facebook

Twitter