Marka: (Sh. M. Network) Kaddib markii dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ururka Al Shabaab uu ka dhacay gudaha Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose ayaa Ciidanka Dowladda waxa ay howlgallo ka bilaabeen gudaha Magaaladaasi.
Ciidamada Dowladda ayaa ku baxay dhowr Xaafadood oo ka tirsan Magaalada Marka, iyadoo u jeedka howlgallada ay u sameynayeen ay aheyd inay gacanta ku dhigaan Kooxihii xalay kula dagaalamay gudaha Magaaladaasi.
Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca arrimaha Siyaasadda ee Maamulka gobolka Sh/hoose Cabdullaahi Abuukar Axmed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in howlgalla ay yihiin kuwa ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Cabdullaahi ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan Magaaladaasi inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo Ciidamada Dowladda, si loo xaqiijiyo ammaanka, wuxuuna carabka ku dhuftay in Ciidanka Dowladda ay ka go’ana tahay sii wadida dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab.
Markii ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Magaalada Marka ayaa waxa gudaha Magaaladaasi ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro abaabulan oo lagu soo qaadayay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.























Comments are closed.