Kismaayo (Sh.M.Network)— Howlgallo balaaran oo dad badan lagu soo qab qabtay ayaa maanta Ciidamada Raaskambooni iyo kuwa Kenya ee AMISOM waxa ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa ku waramaya in Meleeshiyaadka Raaskambooni iyo Ciidamada Kenya ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaaladaasi, kuwaasi oo ay ku soo qab qabteen dad aad u badan.
Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Kismaayo oo la haday Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaasi lagu soo qab qabtay qiyaastii ku dhawaad 50-ruux oo u badan dhaliyaro la tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Xarkada Al Shabaab.
Howlgalada ayaa la sheegay in xoogooda ay ka dhaceen Xaafada Guulwade ee galbeedka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo la tilmaamay in dadka badidooda laga soo qabtay.
Majiraan saraakiil ka tirsan Ururka Raaskambooni ama Kenya oo ka hadlay howlgaladaasi, laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in howlgaladu ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayay Amaanka Magaalada oo lagu wado in Birito uu shir ka furmo.
Sh.M.Network























Comments are closed.