Howlgallada Kismaayo oo la taageeray iyo digniin loo jeediyay Kenya

maalik_som September 30, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)    Kullanka oo ay kasoo qeyb galeen Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Haween kasoo jeeda gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya ayaa waxa lagu taageerayay Guulihii Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanay kuwa Kenya ay ka gaareen gobolka Jubbada hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo, iyadoo kullanka intii uu socday lagu soo hadal qaaday wada tashiyo ku aaddan Maamul u sameynta gobolada Koofureed ee Soomaaliya. 

Guddoomiyaha Aqoonyahannada Koofurta Soomaaliya Prof. Ibraahim Muuse Heeroow oo ugu horeyn kullanka ka hadlay ayaa waxa uu ku dheeraaday muhiimadda Shacabka kasoo jeeda gobolada Koofureed ay u leedahay qabashada Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in shacabka Jubbooyinka ay is raacaan. 

Ibraahinm Muuse Heeroow ayaa waxa uu sidoo kale digniin u jeediyay Dowladda Kenya oo Ciidamadeeda ay ka dagaalamayaan Koofurta Soomaaliya, isagoo uga digay inay faraha la galaan qabaa ilka dega goboladaasi iyo Maamul u sameyntooda. 

Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay wadeen hardan ku aaddan qabashada Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayeen Xarakada Al Shabaab oo dagaalo kala soo horjeeda dhinacyadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter