Howl Gallo Ka socda Xerada Ifo ee Kenya

maalik_som February 1, 2013 Comments Off

Ifo( Sh.M.Network)Wararka ka imaanaya Xerada Ifo ee dalka Kenya ayaa waxa ay Kuwaramayaan in Booliska dalkaasi Howl Gllo ballaaran oo ay Ka sameeyeen Xeradaasi ay ku soo qab qabteen dad badan oo ay Ku Jiraan sida ay Sheegeen Kooxo dhibaato ka Geystay Xeradaasi Ifo.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay soo Bandhigayaan Tirada dadka Lagu soo qabtay Howl Galkaan kuwaas oo qaarkood lagu eedeynayo in ay ku Lug leeyihiin Falalka amni darrada ah ee Ka Jira Xeryaha qaxootiga ee waddankaasi Kenya.

Dad Gob Joogayaal ah ayaa  U sheegay Idaacadda Shabelle in ay weli sii socdaan Howl Gallada Ciidamada Kenya ay ka sameynayaan Xaafaddaasi.

Wararka ugu dambeeya ee Laga helayo Xeradaasi Ifo ayaa ku waramaya in Howl gallo Ballaraan ay Buliiska Kenya ka wadaan Xeradaasi inkastoo faah faahin Rasmi ah aysan ka soo Bixin Buliiska waddaankaasi Kenya ee Ku aadan howl galladani.

Comments are closed.

Facebook

Twitter