HORMUUD oo deeq gaarsiisay dad ku dhibaateysan Baladweyne

maalik_som October 1, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) Shirkadda Isgaarsiinta  HORMUUD Telecom oo horey ugu qeyb qaadatay samata bixintga Shacabka Soomaaliyeed iyo Taakuleynta xilliyada ay soo wajahaan Abaaraha aya noqotay Shirkadii ugu horeysay ee gar-gaar bini’aadannimo la gaarta dadkii ay waxyeeleeyeen Roobabkii daadka watay ee dhawaan ka da’ay Magaalada Baladweyne. Iyadoo Mas’uuliyiinta Shirkadda ay gaarsiiyeen Deeq isugu jirta Raashin, Baco, iyo Waxyaabo kale. 

Cali Sheekh Yaasiin Cali Fadhaa oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta ee HORMUUD oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho oo faah faahin ka bixiyay Deeqda ayaa waxa uu sheegay in Markii Mas’uuliyiinta Shirkaddu ay fallan qeeyeen sida ugu haboon ee wax loogu qaban karo dadkaasi ay garteen in iyagu ay noqdaan dadkii ugu horeeyay ee bilaaba wax u qabashada dadka, deeqda ay gaarsiiyeenna ay la egtahay 100-kun oo dollar-ka Maraykanka ah.

Cali Fadhaa ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha Mas’uuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta ee HORMUUD ay qeyb ka tahay in kaallin wanaagsan ay ka cayaaraan Isbuucyada soo aaddan sidii dadkaasi ay u gaarsiin lahaayeen Dawooyin ka hortag u noqda baahinta Cudurada ay sababeen Fatahaadahaasi. 

Dhawaan ayay aheyd markii Roobab ka da’ay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan uu sababay  in uu fataho Wabiga Shabelle, kaasi oo dhaliyay qasaaro isugu jira Naf iyo Maal intaba.

Halkan Ka Daawo Sawirrada

Comments are closed.

Facebook

Twitter