HORMUUD oo damaanad qaadday Nolosha Qoys ku nool Mudisho

maalik_som October 15, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) — Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD oo ku caanbaxday wax u qabashada dadka tabaaleysan iyo kuwa danta yar ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay shaacisay inay damaanad qaadayso muddo labo sano ah Nolosha 3-Caruur oo mataano ah oo ay dhawaan Haweenay Soomaaliyeed oo ka mid ah Barakacayaasha Muqdisho ku dhashay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Cali Sheekh Yaasiin oo ka mid ah howlwadeennada Waaxda Xiriirka Guud ee HORMUUD Telecom oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in mar waliba ay ka jawabayaan dhibaato waliba oo soo wajahda Shacabka Soomaaliyeed, haatanna HORMUUD ay go’aansatay inay ka faalo qaaddo Noloshada Seddex Caruur ah oo ay dhashay Hooyo Soomaaliyeed oo Sabool ah.

Xaliimo Max’ed Cabdi oo ah Haweenayda dhashay Caruurta ayaa waxa ay sheegtay in marka hore ay dhashay Afar mataano ah, hase ahaatee uu hal ka saqiiray wiil, waxaana ay tilmaamtay inay usoo gurmatay Shirkadda HORMUUD iyo Soomaali kale oo ka danqatay dhibaatada haysata sida ay hadalka u dhigtay.

Shirkadda Isgaarsiinta ee HORMUUD Telcom ayaa marka laga soo tago adeegga Isgaarsiineed waxa ay ku caanbaxday gurmedka deg deg ah oo ay u sameyso dadka Soomaaliyeed ee siyaabaha kala duwan ugu dhibaataysan Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter