Hooyo Somaliyed oo la taahaysa Xanuun haya Gabdheeda + Sawirro

maalik_som October 18, 2012 Comments Off

Hooyo Fartuun Cabdi Jaamac oo dhabta ku haysa Gabdheeda oo Xanuunsan

Muqdisho: (Sh.M.Network)— Hooyo Fartuun Cabdi Jaamac oo ah Hooyo Soomaaliyeed o dhashay Gabar Madaxa ay biyo ugu jiraan islamarkaana dhaqaatiirta gudaha dalka Soomaaliya ay sheegeen in aan wax looga qaban Karin dalka ayaa xilli ay nagu soo booqatay Xarunta Idaacadda Shabelle waxa ay ka codsatay Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha in lagu gacan siiyo bad baadinta Gabdhaasi yar oo ay dhashay.

Hooyo Fartuun ayaa shaacisay in Gabadha iyo Iyaduba inta badan habeenkii uu dilo dhafar islamarkaana aysan seexan. Waxaana Hooyadaani ay shacabka Soomaaliyeed qof waliba oo damiir leh, kana danqanaya Dhibaatadan ay ka codsatay in la gacan qabto.

“ Isbitaal aan tagin kuma yaallo Muqdisho, waan daalay, Gabdheyda iyo annigaba habeenkii maseexano, waayo Xanuun ayay la taahdaa, Calool xumo ayaa la ooyaa, malihi awood aan wax ugu qabto, Ilaahaa Awoodda iska leh, Soomaalida ku dhaqan dalka iyo Muwaadin waliba oo Soomaailyeed, iyo qof waliba oo Damiir leh, waxaana Cod naxariis leh ugu dalbanayaa inay wax ii qabtaan oo ay maanta gacan isiiyaan” sidaasi waxa tiri Hooyo Fartuun Cabdi Jaamac oo wajigeeda xilligaasi laga dheehan karay murug aad u daran.

Sikastaba ha ahaatoo Shabakadda Warbaahinta Shabelle way u doceynaysaa Hooyadaani Soomaaliyeed inay hesho dad caawiye, waxaana Alle uu yiri (Umaddii isu gar-gaarta—Allaa u gar-gaara--)

Halkan Daawo Sawirrada

Haddii aad dooneysid inaad Caawiso Hooyadaan soo wac Tell: 0615-212438- 09962222

Comments are closed.

Facebook

Twitter