Hay’ado doonaya inay wax ka qabtaan Somaliya oo ku midoobay Nairobi

maalik_som October 17, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network) —  Munaasabad ballaaran oo ay ku midoobayeen inka badan 40-Hay’adood oo ah kuwa Samafalka iyo Waxbarashada ayaa ka dhacday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya. 

Prof. Cabdi Daahir Diini oo ah guddoomiyaha loo doortay Dalladaha midoobay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Hay’adahaani ay u midoobeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ay barayaan farsamada gacanta iyo waxyaabo kale oo u horseedi karo inay helaan shaqooyin. 

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in Dalladahaani midoobay ay xoogga saari doonaan inay ka howlgalaan gudaha dalka Soomaaliya, maadaama u jeedka uu yahay in wax loo qabto shacabka Soomaaliyeed. 

Hay’adahaani midoobay ayaa waxa ay rajo galinayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan, iyagoo iminka ka wardhowraya waxa ay u qaban doonto Dalladahaani midoobay oo sheegay inay garab taagan yihiin shacabka oo ay wax badan u qabanayaan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter