Hay’adda Nabad Sugidda oo soo bandhigtay Rag ka tirsan AL Shabaab

maalik_som September 25, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Hay’adda Nabad sugidda qaranka ayaa soo bandhigtay Rag la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab oo dil u gaystay qof rayid ah. 

Dadkaani oo ay maanta soo bandhigtay Hay’adda Nabad sugidda qaranka Soomaaliya ayaa waxa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil dhawaan degmada Shibis ee gobolka Banaadir loogu gaystay Wiil dhalinyaro ahaa oo sida la sheegay ahaa Sawir qaade ka howlgallayay degamadaasi.

Ciidamada Nabad Sugidda ayaa sida la sheegay howlgallo ay ka sameeyeen maalmihii lasoo dhaafay degmadaasi waxa ay kusoo qab qabteen dhalinyaro gaaraysa illaa 3-ruux oo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen amni darrida degamdaasi. 

Ibraahim Cabdullaahi oo ka mid ah raggii lasoo qab qabtay ee lagu eedeeyay falka dilka ayaa Hay’adda  Nabad sugidda horteeda ka qirtay in uu isaga iyo shaqsiyaad kale ay ka dambeeyeen dilkaasi, iyagoo ruuxa geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Sakariye Max’ed Max’ud  ku aaneynayay in uu xiriir la lahaa Dowladda Soomaaliya. 

“ Anniga horta xabaddii ugu horeysay ayaan ku riday meesha ay ugu dhacday ma aqaano laakiin ragga kale ee ila socday ayaa dhameystiray, soo dila ayaa nala dhahay, Janno ayaad ku galaysaanee” sidaasi waxa yiri Ibraahim Cabdullaahi oo ka mid ah gacan ku dhiiglayasha.

Max’ed Max’ud MM-Macallin oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Soomaaliya, ahna aabaha dhalay Marxuumka geeriyooday ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay soo qab qabashada gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay dilka Wiilkiisa, isagoo dhinaca kale mahad u celiyay Hay’adda Nabad Sugidda ee Dowladda Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Hay’adda Nabad Sugidda ee Dowladda Soomaaliya waxa ay Magaalada Muqdisho ka wadday howlgallo baaritaanno ah oo looga hortagayay dilalka qorsheysan ee kusoo kordhayay Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter