Hay’adda Gargaarka Maraykanka USAID oo $20-Miliyan ugu deeqday Soomaaliya

maalik_som February 22, 2013 Comments Off

Muqdisho (Sh.M. Network)—  Dowladda Maraykanka ayaa 20-Milyan oo Doolar ugu deeqday Soomaaliya, kaddib booqasho uu shalay kuyimid Magaalada Muqdisho Madaxada Hay’adda Gargaarka dalkaasi ee USAID.

Markii shalay u Muqdisho soo gaaray Rajiv Shah oo ah Maamulaha Hay’adda USAID ayaa waxaa uu ku dhawaaqay 20-Milyan oo Doolar oo dheeraad ah oo loogu talagalay in wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Rajiv Shah oo ka hadlayay shir saxaafadeed ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya oo uu shalay la kulmay ayaa u cadeeyay Madaxweynaha in Maraykanka uu la cagtaan ugu talagalay in wax looga qabto Adeegyada Aasaasiga ah ee dalka si shacbka ay u helaan daryeel caafimaad, Biyo iyo Cuno kufilan.

“Waxaan maanta markale ku dhawaaqayaa 20-Milyan oo doolar oo dheeraad ah taasi oo wax looga qaban doono adeeyada aasaasiga ah, beeraha iyo hormarinta dalka” sidaasi waxaa sheegay  Rajiv Shah Madaxa Hay’adda USAID.

Dhank kale Rajiv Shah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay xoojinta waxbarashada dalka isagoo codsaday in dowladdu ay ku da daasho sidii ay hal Manhaj ugu sameyn laheyd dalka oo dhan.

Sh.M.Network 

Comments are closed.

Facebook

Twitter