Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo cambaaraysay Weerarkii lagu dhaawacay Wariye Tuur yare

maalik_som October 24, 2012 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Afhayeenka Hey’adda Culimada Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu si kulul ucambaareeyay falki lagu qaarijin rabay Wariye Max’ed Max’uud Tuur Yare oo ka mid ah howlwadeenada Idaacadda iyo Tvga Shabelle.

Afhayeenka Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in arintaasi ay tahay wax laga xumaado islamarkaana ay si kulul ucambaareynayaan falkaasi doqonimo ee lagu qarijinlahaa wariye MM Tuur Yare oo ka mid ah Wariyayaasha Shabelle.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato dhiiga sida micna darrada ah looga daadinayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed islamarkaana awoodeeda ay isugu geyso adkeynta ammaanka Suxufiyiinta .

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxa uu baaq ujeediyay Wariyayaasha in ay Feejignaan dheeri ah muujiyaan Islamarkaana aysan dhexmarin meelaha qatarta ah ee halista ay ku gali karto Nafsadooda.

Dhawaan ayey ahayd markii kooxo dhagar qabayaal ah ay ku dhaawaceen Wariye Max’ed Max’uud Tuur Yare meel aan ka fogeen gurigiisa oo kuyaalla degmada wadajir ee Gobolka Banaadir iyadoona ay isi soo tareyso camabaareynta loo jeedinayo dadkii ka dambeeyay falkaasi wuxuushnimo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter