Muqdisho: (Sh.M.Network)— Kullankaani oo ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen dhamaan Hay’adaha ammaanka iyo Booliska AMISOM ayaa waxa laga soo saaray go’aanno wax looga badalayo ammaanka Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaashandhiga ee Xukuumaddi Gaas, Xuseen Carab Ciise oo la hadlay Saxaafadda kullanka kaddib ayaa waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo ay mamnuuc tahay in lagu dabaal dago Rasaasta, sidoo kale waxaa mamnuuc ah Dadka sida sharci darrida ah hubka ugu dhexsita Magaalada Muqdisho kuwaasi oo tallaabo adag laga qaadayo sida uu hadalka u dhigay.
“ Lama ogolaan doono in aan lagu dabaal dagi karin rasaas micno daro ah oo kor loo furo, inay mamnuuc tahay in hub la isaga dhexsito Magaalada Muqdisho” sidasi waxa yiri Xuseen Carab Ciise.
Taliyaha Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya Jeneral C/qaadir Sheekh Cali Diini oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in sharci darro ah ay tahay in maanta wixii ka dambeeya aan la ridi karin Rasaas micno darro ah, islamarkaana Askarigii lagu arkaa arrinkaasi dambigiisa lagu qaadi doono, maadaama taasi ay baqdin iyo jahwareer ku riddo dadka shacabka ah.
“ Haddii horey laguugu dul qaadan jiray hadda laguu dul qaadan maayo, ogow waa laguugu maqan yahay, haddii aad rasaas micno darro ah riddo. Tallaabo ayaa lagaa qaadayaa” sidaasi waxa yiri Taliyaha Ciidamada Militariga.
Arrintaani ayaa imaanaysa xilli Ciidamo ka tirsan Dowladda mararka qaar ay xabado dabaal degyo ah kor u ridaan, taasi oo mararka qaar dhibaato u gaysata dad rayid ah oo aan waxba galabsan.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.