Hakad ku yimid Canshuurihii laga qaadi jiray Baladweyne

maalik_som September 14, 2012 Comments Off

Baladweyne: (Sh. M. Network)  Waxaa hakad ku yimid lacagihii Canshuuraha ee Maamulka gobolka Hiiraan uu ka qaadi jiray Magaalada Baladweyne ee gobolkaasi.

Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Hiiraan, ahna ku simaha Guddoomiyaha gobolkaasi Axmed Cismaan Axmed Inji oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in la hakiyay howlaha Canshuur qaadista ee gobolkaasi.

Axmed Inji ayaa waxa uu tilmaamay in ganacsatada ku dhaqan Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan laga qaadi jiray lacago Canshuuro ah, hase ahaatee si loo soo celiyo sharciga iyo nidaamka iminka Maamulka uu hakad galiyay arrimahaasi.

Guddoomiye ku xiggeenka ayaa waxa uu xusay in hakad gallinta howlaha Canshuur qaadista ay timid kaddib markii ay gacansatada cabasho u jeediyeen Maamulkaasi, maadaama Maamulka gobolka uusan fullin karin adeeggii bulsho oo ay waajibka u lahaayeen, taasina ay keentay in hakad galiyo.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Baladweyne ka jiray is qab qabsi ku aaddan dhinaca lacago qaadista ee Canshuuraha ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi ay marar badan eedeymo isu jeediyeen.

Comments are closed.

Facebook

Twitter