Hakad ku jira isu socodka wadada dheer ee Muqdisho iyo Afgooye

maalik_som October 8, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh.M.Network) —  Isu socodka Gaadiidka ee Muqdisho iyo Afgooye ayaa saakay xirmay kaddib markii Guddoomiyaha degmada Afgooye uu lacago canshuuro oo hor leh uu dul dhigay Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa wadadaasi. 

Mid ka mid ah Gaadiidleyda ka howlgasha wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo lagu magacaabo Max’ed Cali Axmed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Degmada Afgooye uu ka socdo ku takri fal ku aaddan dhanka dadka shacabka ah iyo kuwa kale ee Xamaalatada ah. 

“ Markii hore waxaa nagala qaadi jiray 50-oo Shillinka Soomaaliga ah, laakiin saakay Maamulka Afgooye waxa uu yiri waxa la iska qaadayaa 100-kun oo Shillinka Soomaaliga, war maxaa shaqeysanay haddii halkii marba nagala qaadayo 100-kun oo Shilinka Soomaaliga ah, waan joojinay shaqadii aan wadnay, waa dhibaato, mana ka bixi karno” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah Gaadiidleyda ka shaqeysa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. 

“Tan waxaa kuu sii dheer, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxa yaalla Isbaarooyin badan, saakay waxaa wadadaasi lagu dhacay Gaari Rakaab ah, sidaasi miyaan ku shaqeyn karnaa, maya maya kuma shaqeyn karno” ayuu raaciyay hadalkiisa. 

Arrintaani ayaa saameyn ku yeelatay isu socodka Ardayda Jaamacadaha iyo Iskuullada ka dhigtay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo saakay ku adkaatay inay usoo gudbaan Muqdisho, maadaama ay soo baxeen dhibaatooyinkaani. 

Ammaanka degamda Afgooye ayaa faraha kasii baxaya, waxaana la ogeyn sida wax looga qaban karo Maamul xumida ka jirta gudaha degmadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter