Gudoomiyaha Gobolka Baay oo ka Warbixiyey Dagaalo ka Dhacay Awdiinle

maalik_som December 5, 2012 Comments Off

Baydhaba (Sh.M.Network)— Gudoomiyaha Gobolka Baay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Cabdi fataax Ibraahim Geesey oo faahfaahin ka bixiyey dagaal ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa shabaab ku dhex marey Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay ayaa waxa uu sheegey in 16 dagaalyahan oo ka tirsna shabaab ay halkaasi ku dileyn sideed ka mid ahna ay gacanta ku dhigeyn iyo hubkii ay wateyn ragas.

Cabdi fataax Ibraahim Geeseeey  Gudoomiyahan Gobolka baay waxa auu sheegey in ay socdaan qorshooyuiin alshababa looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan ee Gobolka Baay.

Hadalkan ka soo yeerey Gudoomiyaha Gobolka Baay ayaa ku soo aadayaa xili ciidamo fara badan oo lagu soo tababarey Dalka intoobiya ay soo gaareyn Gobolka Baay kuwaas oo maamulka Gobolka Baay ay sheegeen in ay u diyaariyeen ciidankan in ay ka saaraana deegaanada ay ka joogaan Gobolka Baay Ururula Alshabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter