MOGADISHU (Sh.M..Network) – Gudoomiyaha Degmada Huriwaa ee Dowaladda Soomaaliya oo al Hadley IDaacada Shabelle ayaa waxa uu ka warbixiyey Xaaladaha Guud ee ka Jira Degmadaasi .
Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa waxa uu Shacabka Soomaaliyeed Ka Dalbadey in Gargaar la soo gaaraan Dadka ku nool Degmaad Huriwaa ee Gobolka Banaadir oo uu sheegey in dhibaatooyin kaal duwan ay heestaan waxa uuna tibaaxey in Degmadaasi ay ka jirto Gargaar La’aan sida uu sheegey .
Dhanka kale Cumar Cabdulle Jacfaan Gudoomiyaha Degmada Huriwaa Ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu ugu baaqey hay’adaha Samafalka in ay gaar gaar la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan Degmadaasi asagoona balan qaadey iney sugayaan Amaaanka hay’adahaasi .
Degmada Huriwaa waxaa ku Nool Dad Barakacayaal oo aad u fara badan kana soo hayaamey Gobolada Dalka kuwaas oo dabayaaqadii Sanadki hore abaaro xun ku dhuftey Deegaanadii ay ku noolaayeen .























Comments are closed.