Muqdisho ( Sh.M.Network) Guddiga Bacadlaha Degmada X/weyne oo lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa been Abuur ku tilmaamay Guddi dhawaan sheegay in ay Masuul ka yihiin Bacadlaha Degmada X/weyne islamar ahaantaana ay ka iibiyeen Ganacsato Soomaaliyeed.
Guddoomiye Ku Xigeenka Bacadlaha Degmada X/weyne Max’ed Socdaal Wardheere oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa beeniyay Guddi dhawaan sheegay in ay Masuul ka yihiin Bacadlaha X/weyne isagoona Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay in aysan Lacagtooda Galin Bacadlaha wuxuuna Masuuliyiinta ugu sareysa dowladda Ka Codsaday in ay soo fara geliyaan Musuq Maasuq iyo isdaba Marin ka socota Bacadlaha X/weyne .
Sidoo Kale Axmed Xasan Max’uud oo Ka mid ah Guddiga Bacadlaha dagmada X/Weyne Ayaa Dhankiisa Xusay in rag Uu Sheegay in ay Garab Ka heystaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ay Musuqmaasuq Kawadaan Bacadlaha Xamarweyne Wuxuuna Carabka Ku Dhuftay in Bacadlaha Dagmada Xamarweyne ay Muda Dheer Gacanta Ku Hayeen.
Maalmihii Ugu Dambeeyay Waxaa Isi Soo Tarayay Cabashada Kasoo Yeereysa Guddiga Bacadlaha Degmada Xamarweyne Kuwasoo Kacabanaya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo ay Sheegeen In uu Iibsanayo Bacadlaha Dagmada Xamar Weyne.























Comments are closed.