Guddoonka Baarlamaanka oo digniin kama dambeys ah siiyay Xildhibaanada Ka maqnaada Fadhiyada Baarlamaanka

maalik_som March 7, 2013 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Kadib labo Maalin oo aan ka soo gudubnay oo fadhiga Baarlamaanka uu u qabsoomi waayay Kooramka oo aan soo buuxsamin ayaa Maanta Guddoonka Sare ee Baarlamaanka waxaa digniin kama dambeys ah uu u jeediyay Xildhibaanada aan soo xaadirin kulamada Baarlamaanka.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shir guddoominayay Kulan Maanta xildhibaanadu ay ku yeeshen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in aan loo dul qaadan dooonin Xildhibaanada Caadeystay in ay ka maqnaadaan fadhiyada Baarlamaanka.

Guddoomiye Ku xigeenka ayaa sheegay in Xildhibaankii Maqnaada 7 kulan  Mushaarkiisa laga jari doono 5 meelood meel ka mid ah islamarkaana laga yaabo in howshiisa shaqo uu ku waayo ka maqnaashiyada Kulamada Baarlamaanka.

Dhawaan ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu Digniin Culus u diray Mudanayaasha Baarlamaanka Sooamaliya ee aan soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka kadib markii uu buuxsami waayay kooramka fadhiyada Xildhibaanada waaxana kulankii maanta laga aqriyay Magacyada illaa 50 xildhibaan oo aan soo xaadirin kulamada Baarlamaanka kuwaasi oo digniin kama dambeys ah la siiyay

Comments are closed.

Facebook

Twitter