Guddoomiye Waaxeed lagu dilay Wadajir, Muqdisho

maalik_som October 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)Kooxo hubaysan ayaa saakay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiye Waaxeed ku sugnaa gudaha degmadaasi.                                                      

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in saakay Kooxo ku hubaysan Bastoollado oo gaarayay ilaa 3-ruux ay Toogasho ku dileen Guddoomiye Waaxeedka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir gaar ahaan xilli uu ku sugnaa Xaafadda Nasteexo ee degmadaasi. 

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Burus, waxaana dilka kaddib kooxihii falkaasi gaystay ay isaga baxsadeen halkaasi, iyadoo Ciidamo ka tirsan Dowladda oo halkaasi gaaray ay sameeyeen howlgallo baaritaanno ah oo aan illaa iyo iminka la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay. 

Ma ahan markii ugu horeysay oo Guddoomiye Waaxeed lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, hase ahaatee marar badan ayaa degmadaasi waxa ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay dadka waxgalka u ah bulshada iyo kuwa shacabka ah ee ku sugan halkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter