Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo ka digay Rabshado ka dhaca dalkaasi

maalik_som March 5, 2013 Comments Off

Nairobi (Sh.M.Network)—Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macallin oo warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu ka hadlay doorashada Madaxtinimo ee ka socota dalkaasi Kenya isagoo walaac ka muujiyay in rabshado ay ka dhacaan dalkaasi inta ay socoto tirinta Codadka maadaama ay qalabkii codadka lagu tirinayay cillado ku imaadeen.

Faarax Macallin ayaa waxa uu intaasi kudaray in sidoo kale laga cabsi qabo in doorashooyinka haatan ka socdo dalka Kenya ay noqdaan sida kuwii hore ee dalkaasi horay uga dhacay kuwaasi oo rabshado ay hareeyeen.

Si kastaba hadalka Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamanka dalka Kenya ayaa ku soo beegmaya xilli shalay guud ahaan dalka Kenya  looga dareeray Goobaha Cod bixinnada ee doorashada Madaxtinimo dalkaasi Kenya iyadoo isla shalay halkaasi rabshado khasaaro geestay ay ka dheceen qaybo ka tirsan dalkaasi.

 

 

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter