Guddoomiyaha Afgooye oo qirtay eedeymo loo jeediyay

maalik_som August 25, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)    Cabdullaahi Cabdi Axmed Ibey, guddoomiyaha degmada Afgooye ee Dowladda KMG Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay hakad galliyeen Geellii usoo gudbi jiray deegaanka Siinka Dheer halkaasi oo aheyd goob ganacsi oo lagu kala iibsado Geela laga kala keeno gobolada Koofured ee dalka Soomaaliya. 

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in degmada Afgooye ay xaq u leedahay in lagu kala iibiyo Geella, maadaama sida uu sheegay uu ku yaallo Suuq xilliyadii hore lagu kala iibsan jiray Geella, isagoo tilmaamay in is hortaaga ay ku sameeyeen Geella loo soo gudbin jiray deegaanka Siinka dheer ee dulkeedka Muqdisho ay la ogyihiin shacabka ku dhaqan degmada Afgooye. 

Guddoomiyaha degmada Afgooye Cabdullaahi Cabdi Axmed Ibey ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ka Maamul ahaan, Maamulkoodu ay xaq u leeyihiin inay ka shaqeeyaan horumarinta degmada Afgooye, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la aqbali karin dadka raba inay carqaladeeyaan dhaqaalaha degmada Afgooye sida uu hadalka u dhigay. 

Hakad gallinta Maamulka degmada Afgooye uu ku sameeyay Geellii usoo gudbi jiray Deegaanka siinka Dheer ee duleedka Muqdisho ayaa waxa uu yahay mid salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Guddooomiyaha degmada Afgooye iyo Maamulka guud ee gobolka Sh/hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter