Guddoomiyaha degmada Dayniile oo ka badabaaday dil

maalik_som October 30, 2012 Comments Off

Muqdisho-(Sh.M.Network)—Guddoomiyaha degmada Dayniile ee dowladda Soomaaliya Daahir Xasan Xuseen oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka badbaaday fal isku day dil ah oo uu tilmaamay in ay ka danbeeyeen Ciidamo ka tirsan dowalada Soomaaliya, waxaana uu xusay in sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda oo maalin ka hor lagu dilay degmadaasi ay dilkiisa ka danbeeyeen ciidamada dowaladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan. 

Daahir Xasan Xuseen oo hadalkiisa siiwata ayaa saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay soo faragaliyaan dhibaatooyin uu sheegay in Ciidanka dowladda ay ku hayaan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed ay ka soo horjeedaan in ciidamo boolis ah la geeyo degmada Dayniile si ay u xaqiijiyaan Ammaanka degmadaasi, islamar ahaantaana ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka ka jira degamada Dayniile. 

Hadalka Guddoomiyaha degmada Dayniile Daahir Xasan Xuseen ayaa imaanaya xilli maalin ka hor degmada uu mas’uulka ka yahay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in ay kharajiyeen rag ku labisan dareyska ciidanka dowladda.

Comments are closed.

Facebook

Twitter