Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo maanta soo gaaray Muqdisho

maalik_som December 12, 2012 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Idiris Aar Naa’uud Cali iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta Barqanimadii waxa ay ka soo degeen Gegida Dayuuradaha Aadan cadde Air-Port ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu Casuumaad Ka helay Dhigiisa Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa waxa gudaha Garoonka ku soo dhaweeyay Guddoonka Sare Ee Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa Qaar ka mida Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekh Una.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof:Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo Saxaafadda Kula hadlay Garoonka ayaa waxa uu sheegay in Guddomiyaha Baarlamaanka Jabuuti uu kuyimid Muqdisho  Booqasho walaaltinimo ah islamarkaana ay tahay arrin Farxadleh

Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Jabbuuti Idiris Aar Naa’uud Cali oo isna Gudaha Garoonka Warbaahinta kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in Socdaalkiisa uu ka turjumayo Caasumaad uu ka helay dhiggiisa Baarlamaanka Soomaaliya Prof:Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa waxa uu tilmaamay in ay waajib tahay labo Baarlamaan oo walaala ah islamarkaana ay kawada tashtaan aayahooda

Waa markii ugu horeysay Guddomiye Baarlamaan oo ka socda dalalka Jaalka la ah Soomaaliya uu booqasho ku yimaado Magaalada Muqdisho tan iyo Markii Soomaaliya ay ucuratay dowlad Federaal ah

Comments are closed.

Facebook

Twitter