Guddonka barlamanka oo furay Shirka Doorashada (TOOS U DHAGEYSO)

maalik_som September 10, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya ayaa furay Madasha Shirka Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya. 

Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof. Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo furay Shirka ayaa waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu furan yahay Shirka oo iminka ka socoyana Xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho. 

Jawaari ayaa sheegay in Madasha ay soo xaadireen i 220-Xildhibaan oo doonaya inay ka qeyb qaataan Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, waxaana Jawaari uu sheegay in Madasha Shirka  ay tahay mid ammaankeeda loo adkeeyay. 

Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada barlamanka aysan isticmaali karin Taleefoonnada, hsae ahaatee kaliya Taleefonada loo ogol yahay Saxafiyiinta ku sugan Hoolka Shirarka, wuxuuna Guddoonka sare ka digay in Xildhibaanada ay dhex yaacaan Madasha uu shirka ka soconayo. 

Musharixiinta ayaa ku wada sugan Hoolka, waxaana Madasha Hoolka uu shirka ka soconayo uu yahay mid jawi xasaasi ah ku jira islamarkaana la fillayo in goor dhowr ay dhacdo Doorashada. 

Halkan si Toos ah Kaga dhageyso Idaacadda Shabelle

Wixi kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net hadii Alle Idmo  

Comments are closed.

Facebook

Twitter