Muqdisho: (Sh.M.Network)—Kaddib kullan ay maanta Magaalada Muqdisho ku wada qaateen Guddiga gurmedka ee Fatahaadihii ku dhuftay Magaalada Baladweyne uu R/wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG ah C/wali Gaas iyo Hay’adaha Maxalliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ayaa waxa ay sheegeen in dhinacyadaasi ay howlgal adag u bilaabatay.
Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Guddiga uu C/wali Max’ed Cali Gaas u xil saaray wax ka qashada dhibaatooyinka bini’aadannimo ee ka dhacday Baladweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Guddiga iyo Hay’adaha ay maanta ka wada hadleen sidii wax qabad muuqda loogu caawin lahaa dadka ku dhibaateysan Baladweyne sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in howl adag ay hortaallo dhinacyadaasi.
Cabdulaahi Goodax Barre, Wasiirkii hore ee Iskaashiga Xiriirka Caalamiga ah ayaa waxa uu intaasi ku daray in gobolo badan oo ka tirsan dalka laga soo ururiyay Deeqo kala duwan islamarkaana maanta kullankooda sidii loo qeybin lahaa waxyaabaha la iska soo ururiyay iyo sida ugu haboon ee loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan.
Dhawaan ayay aheyd markii Magaalada Baladweyne ay ka da’een Roobab sababay inay fatahaan Wabiga Shabelle, kaasi oo saameyn ku yeeshay dad badan oo ku sugnaa halkaasi.























Comments are closed.