Muqdisho: (Sh. M. Network) Guddiga Farsamada ee xulista Xildhibaanada cusub ee barlamanka ayaa dafiray in Maxkamad sare ay ka jirto dalka, xilliga guddigaasi ay dacwaddiisu socoto.
Guddoomiyaha guddiga Farsamada ee ku howlanaa soo xulidda barlamanka Dr. Cabdullaahi Xiireey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ugu horeyn waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in Maxkamadda sare go’aan gaarayso xilli aan munaasab aheyn, isagoo xusay in taasi ay cadeynayso in Maxkamad sharci ah aysan ka jirin dalka.
Dr. Cabdullaahi Xiireey ayaa waxa uu sheegay in haddii dib loo fiiriyo Axdigii Kumeel-gaarka ah aysan jirin Maxkamad dib usii jiri karta, maadaama uu xusay in Waqtigeedii uu dhamaaday xilliga Dowladda KMG, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha soo socda ee dalka uu soo dhiso Maxkamad sare, isagoo intaasi raaciyay in siyaasad loo isticmaalay Maxkamadda sare.
Guddoomiyaha guddiga Farsamada ee ku howlanaa soo xulidda Xildhibaanada ayaa waxa uu sheegay in guddiga farsamada howsha loo igmaday ay aheyd lix qodob oo qodob ka mid ah uu dhigayo sida uu hadalka u dhigay in barlamanka aysan ka mid noqon karin shaqsiyaad dambi ka galay dalka, hase ahaatee waxa uu sheegay in Xubnahaani laga saaray barlamanka lagu helay qodobkaasi. Guddiga farsamadana go’aankiisa kama dambeystana uu yahay in aan Xubnahaasi lagu soo cellin barlamanka, maadaama uu xusay in dalka ay dambi ka galeen.
Maxkamadda sare ee Dowladda ayaa maalintii shalay aheyd waxa ay furtay dhageysiga dacwad ka dhan ah Guddiga Farsamada taasi oo ay jeedinayeen Xildhibaanadii laga saaray barlamanka cusub kaddib markii lagu eedeeyay inay ahaayeen kuwa qab qablo yaal dagaal ah.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.