Guddiga Farsamada oo beeniyay Liis been abuur ah oo lasoo gudbiyay

maalik_som August 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Guddiga Farsamada ee soo xulidda barlamanka ayaa beeniyay war horudhac ah oo lagu baahiyay Bogga Internet-ka. 

Warbixin ay soo saareen Guddiga soo xulista Xidlhibaanada cusub ee barlamanka ayaa waxa si toos ah loogu sheegay inay ku lug leeyihiin Warbixin horudhac ah oo lagu baahiyay Bogga Internet-ka Habeenimadii xalay kaasi oo ku aaddana tirada Guddiga Farsmada ay ka hayaan soo xulista Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya. 

Warka horudhaca ah ayaa lagu sheegay 202-Mudane oo ka tirsan Mudanayaasha cusub ee barlamanka KMG ah ay si toos ah usoo shaaciyeen guddiga Farsamada ee barlamanka, waxaana Xubnahaasi ka muuqanyay Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda iyo Madax sare oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare Gaas. 

Guddiga Farsamada ayaa sheegay in arrintaani ay tahay mid been abuur ah, iyagoo sheegay in maanta ay soo bandhigi doonaan Warbixinta rasmiga ah ee ku aaddan tirada Xildhibaan oo uu Guddiga farsamada diyaariyay. 

Ugu dambeyn ayaa Guddiga Farsamada waxa uu sheegay in loo baahan yahay in arrimahaani oo kale laga fiirsado, iyagoo shaaca ka qaaday in illaa iyo iminka aan jirin sababo rasmi ah oo ku aaddan in Guddiga Farsamada ay soo gudbiyeen, waxaana ay sheegeen in liiska maanta la filayo inay soo gudbiyaan kuwa ka harsan ay ku maqan yihiin qilaaf ku aaddan beelahooda.

Comments are closed.

Facebook

Twitter