Muqdisho: (Sh. M. Network) Guddiga doorashada Guddoomiyaha baarlmaanka ayaa soo magacaabay Guddi hoosaadyo dhinaca kalena ku dhawaaqay in musharrixiinta ay isi soo diiwaan galiyaan.
Kulanka oo ahaa mid saacada qaatay oo ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray qaabka loo wajahayo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Jen.Muuse Xasan ayaa waxaa lagu dhisay Guddoonka Sare ee Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo Guddoomiye looga dhigay Caasho Xaaji Cilmi halka afhayeen loo magacaabay Cismaan Libaax Ibraahim iyadoo sidoo kale qasnajiga guud loo magacaabay xildhibaanad Khadiija Axmed Diiriye.
Guddiga doorashada ayaa waxa lookala qaybiyay illaa seddex Guddi waxaana guddigu uu soo bandhigay shuruudaha laga doonayo Masuuliyiinta utartameysa guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeennada koowaad iyo labaad
Ugu danbeyn Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlmaanka ayaa bayaan ay ka soo saareen kulankooda waxa ay ku sheegeen in maalinta birita ah ay billaaban doonto is diiwaan galinta Musharrixiinta dooneysa in ay utartamaan xilalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeennadiisa.
























Comments are closed.