Guddiga Doorashada: Araaji qabashada birri ayay ku egtahay

maalik_som September 5, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Guddiga Doorashooyinka Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta birri ah ay ku egtahay Qabashada Araajida Musharixiinta u taagan qabshada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Afhayeenka Guddiga qaban qaabada doorashooyinka Madaxtinimo ee Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Libaax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in maalinta birri ah ay ugu dambeyso xilliga la qabanayo Araajida Musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cismaan Libaax ayaa waxa uu sheegay in Guddiga Doorashada ay gacanta ku hayaan 30-Musharax oo u taagan qabashada xilkaasi, soona gudbiyay araajidooda.

10-ka Bishaan ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay inay jiraan Musharaxiin badan uu u hanqal taagaya xilkaasi kuwaasi oo muddooyinkii dambe Warbaahinta ka sheegayay wax qabadkooda.

Comments are closed.

Facebook

Twitter