Muqdisho: (Sh.M.Network) Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed Ismaaciil Max’ed Muuse oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ugu baaqay Beelaha walaalaha ee ku dagalamaya gobolka Galgaduud inay joojiyaan colaadda iyo dagaalada dhexdooda ah islamarkaana ay wadahadal ka sameeyaan dagaalka u dhaxeeya.
Ismaaciil Max’ed Muuse ayaa waxa uu sheegay in Beelaha ku dagaalamaya deegaannada Gadoon iyo Dumaaye ee ka tirsan gobolka Galgduud ay yihiin beelo walaalo ah, isagoo sidoo kale tilmaamay in colaadaha laga dhaxlo dhibaatooyin soo wajaha shacabka ku nool deegaannada lagu dagaalamo.
“ Waxaan si kalsooni leh ugu dalbanaynaa Beelaha ku dagaalamay Galgaduud inay joojiyaan, colaad waxaa laga dhaxlaa waa dhibaato oo kaliya, marka joojiyo dagaalada” sidaasi waxa yiri Ismaaciil Max’ed Muuse.
Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed Ismaaciil Max’ed Muuse ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay falalka ammaan darri ee muddooyinkii dambe kusoo kordhay Magaalada Muqdisho, isagoo ka codsaday dhinacyada ku howlan arrintaasi inay joojiyaan falalka ka dhanka ah ammaanka sida uu hadalka u dhigay.
Habeen ka hor ayay aheyd markii Labo Maleeshiyo Beeleed ay ku dagaalameen deegaanka Dumaaye oo ka tirsan gobolka Galgaduud, iyadoo ay jiraan baaqyo isdaba joog ah oo loo jeedinayo beelahaasi kuwaasi oo ku aaddan inay joojiyaan dagaalada oo ay wada hadalka qaataan .





![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)

















Comments are closed.