Goobo ganacsi oo ku yaal Yaaqshiid oo xalay la dhacay

maalik_som October 31, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)— Rag ku labisan dharka Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay dhac ka geystay Suuq kuyaalla Xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid. 

Saqdii dhexe ee xalay ayaa rag kulabisan dareyska Ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay dhac iyo boob ka geysteen Suuq lagu Magacaabo Iftin oo ku yaalla xaafadda Carafaad ee degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir. 

Ragga Kulabisnaa dareyska Ciidanka dowladda ee dhaca geystay ayaa la sheegay in ay wateen gaari, waxaana ay billaabeen in ay goobaha ganacsiga ee kuyaalla Xaafadda Carafaad gaar ahaan suuqa Iftin ay jabiyaan kadibna ay gaarigii Kurartaan agabyadii yiilay Goobahaasi Ganacsi. 

Mid ka mid ah dadka deegaanka Xaafadda Carafaad oo  Idaacadda Shabelle lahadlay ayaa waxaa uu sharaxaad ka bixiyay sida ay wax udheceeb, isagoo carabka ku dhuftay in shacabka ku nool xaafaddaasi ay ku soo tooseen  goobihii ganacsiga ee suuqa Iftin oo haawanaya. 

Shacabka Ku nool Xaafadda  Carafaat ee degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku soo laalabtay dhaca ay u geysanayaan koxahaasi kulabisan dareyska Ciidamada dowladda, iyadoo ay xusid mudantahay in aaney jirin ilaa haatan cid wax ka qabatay dhibaatooyinkaasi lagu hayo shacabka ku  nool Xaafaddaasi carafaat ee Degmada Yaaqshid.

Comments are closed.

Facebook

Twitter