Goobihii Dagaalka dhacay ee Jubada Hoose oo Deggan

maalik_eng October 23, 2012 Comments Off

Badhaadhe (Sh.M.Network)—Waxaa saakay Deggan Xaaladda Deegaanada ku yaalla Gobolka Jubadda Hoose ee ay shalay ku dagaalameen Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo Al shabab.

Dagaalada ayaa waxa ay shalay gilinkii dambe ka dhaceen inta u dhaxeysa Degaanka Kulbiyoow iyo Degmada Badhaadhe kuwaasi oo dhacay kadib markii Al shabaab ay jidka u galeen Kolanya Gadiid ah oo ay wateen Ciidamada Dowlada iyo kuwa ay xulufada yihiin ee Kenya.

Dadka Deegaanka ee Degmada Badhaadhe ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay inay si habsami leh ay u socdaan dhaqdhaqaayada Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka islamarkaana aysan jirinn wax saansaan Colaadeed ah oo laga dareemo halkaasi.

Dhinaca kale Saraakisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay Idaacada Shabelle u sheegeen in dagaaladii shalay ay ahaayeen kuwa xoogan islamarkaana ay Khasaaro ku gaarsiiyeen  Dagaalyahanadii Al shabab ee jidka u galay.

Saraakiisha ayaa xusay in Ciidamada dowladda wax Khasaara ah aysan ka soo gaarin dagaaladii shalay ka dhacay deegaanada Kulbiyow iyo Badhaadhe.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Al Shabaab oo ku aadan dagaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter