Golo fadhigiisu yahay Khaliijka oo ka digay sii socoshada dhibaatada Somaliya

maalik_som August 16, 2012 Comments Off

Dubai: (Sh. M. Network)  Golo Samafal oo Islaami ah islamarkaana ay ku bahoobeen dowladaha Khaliijka ayaa ka digay dhibaatooyinka amni darri ee ka sii socda Soomaaliya ay mar kale ay kor usii qaadi karaan xaddiga dhibaato ee heysata dadka Maatada  ah ee ku dhaqanka Gobolada dalka Soomaaliya.

Golahani Samafal ayaa sidoo kale sheegay in malaaayin Soomaali ah hadda ay ka maqan yihiin guryahoodi kuwaas oo ku kala nool meelo kala duwan oo ka kala tirsan gudaha dalka iyo dalalka kale ee Soomaaliya ay dariska yihiin, taasina ay keentay dhibaatadii Macluusha iyo xaaladaha amni xumi ee ka taagan qaybaha dalka Soomaaliya, waxaana Goluhu uu ka digay in mar kale ay dhacaan xiisado abuuri kara in dadka guryahooda isaga baxsadaan.

Dhinaca kale  Golahaan ayaa ku baaqay in  Gurmad deg deg ah lala gaaro dadka haatan ka soo kabanaya dhibaatadii Macluusha, hase ahaateetaa bedelkeeda aanu qas amni dari laga abuurin Gobolada dadku ay dib ugu noqdeen.

Sanadkii aan ka soo gudubnay ayaa Soomaaliya waxaa saameyn ba’an ku reebay mowjado abaaro ah oo sameyn xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool Gobolo badan oo ka tirsan gudaha dalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter