Golaha Wasiirada oo kulan arrimo badan ay uga doodeen ku yeeshay Muqdisho

maalik_som December 13, 2012 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Kulan ay maanta yeesheen Ra’isal Wasaaraha iyo Golihiisa Wasaarada ayaa waxa ay kaga doodeen arimo badan oo ubaahan in wax laga qabto

Kulanka Kadib ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Ciil Mooge Xirsi waxa uu sheegay in kulankooda Maanta diiradda ay ku saareen qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay arrimaha fiisooyinka,Gaadiidka Qaranka iyo lacagaha Kaashka ah ee dibadaha Jira

Cabdullaahi Ciil Mooge ayaa waxa uu tilmaamay in Wasiiradu ay Go’aamiyeen in qorshe loo sameeyo sidii lagu soo Celin lahaa hantida Qaranka ee kaashka ah ee ku xayirantay Dibadaha kadib markii dowladdii Dhexe ee Soomaaliya Bur burtay

Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Ciil Mooge ayaa Sidoo kale waxa uu sheegay in  Hey’adaha doonaya in ay maal gashi ama Ganacsi ka abuurtaan  Soomaaliya ay iska diiwaan Galiyaan Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha

Ugu Dambeyntiina Wasiirka Warfaafinta ayaa Sidoo kale Xusay in Qodobada ay maanta ka wada hadleen ay ka mid tahay in Gaadiidka Qaranka Cid walbo oo Sharci darro ku haysato laga soo celiyo muddo Sanad ahna loo qabto

Comments are closed.

Facebook

Twitter