Golaha Wasiirada oo isku Raacey Joojinta Lacagaha kala duwan ee Laga Qaado Dekada

maalik_som December 4, 2012 Comments Off

MOGADISHU (Sh.M.Network)— Ayadoo Gaadiidleyda Dekada Magaalada Muqdisho looga qaado lacago kala duwan oo lagu sheegey canshuuro ayna sheegeyn gaadiidleyda iney tahay mid aysan awood ula heyn inay iska bixiyaan ayaa waxaa go’aan ka soo saarey Golaha Wasiirada Xukuumada Saacid .

Golaha Wasiirada ayaa isku raacey in la joojiyo Lacagaha qaababka kala duwan looga qaado Dekeda Magaalada Muqdisho iyadoo la ogalayahay kaliya Lacagaha ay qaado Dowladda Hoose ee Canshuurta Ah.

Golaha Wasiirada waxa ay intaas ku dareyn in Lacagaha laga qaado dekada muqdisho kaliya ay qaadeyso dowladda hoose .

Go’aanka golaha Wasiirada kasoo baxay  ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Magaalada Muqdisho uu ka dhaqan galay go’aan uu dhawaan Madaxweynaha dalka Soomaaliya ee ahaa in la joojiyo lacagaha Sharci darada ah .

Comments are closed.

Facebook

Twitter