Golaha ammaanka QM oo so dhaweeyay guddoonka barlamanka Somaliya

maalik_som August 30, 2012 Comments Off

New York: (Sh. M. Network)     Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu si diiran usoo dhaweeyay tallaabadii Barlamanka uu ku doortay guddoonka cusub iyo sida ay ku sii socdaan howlaha looga gudbayo Xilliga kala guurka.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in Magacaabista Guddoonka cusub ee Barlamanka ay bilow fiican u tahay qorshaha socod siinta howlaha qariiradda nabadda ee loo asteeyo in lagu dhameeyo Waqtiga kala guurka ah, loogana gudbayo xilliga KMG ah.

Sidoo Golaha ayaa ku baaqaya in lasii dar dar galiyo howlaha ka harsan ka gudbidda xilliga kala guurka, iyadoo Goluhu uu isku raacay in sida hadda muuqata ay Soomaaliya  usoo ifayso mustaqbal wanaagsan oo jawi wanaagsan dalka uu ku galayo.

Ugu dambeyn 15 ka dowladood ee Golaha ammaanka ayaa ku baaqaya in la soo dadajiyo dooraashada Madaxtinimo ee hadda ah hoosha ugu horeysa ee Barlamanku uu guda gali doono.

Comments are closed.

Facebook

Twitter