New York: (Sh.M.Network) Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen 15-ka dal ee Xubnaha ka ah Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayay ku cambeereeyeen Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay dad rayid ahaa oo ku sugnaa Baar laga qaxweeyo oo ku yaalla meel u dhow Gurriga Hooyooyinka.
Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa waxa ay tacsi u dirtay Ehellada dadkii ku dhintay Qaraxyadaasi, iyagoo sheegay inay la qeybsanayaan dhibaatada shacabka Soomaaliyeed.
Warsaxaafadeedkaani ayaa waxa ay ku sheegtay Qaramada Midoobay inay gacan ka geysanayaan sugidda ammaanka iyo ka hortagidda weerarada ay abaabulayaan Xarakada AL Shabaab.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa carabka ku dhuftay in arrintaani ay ka turjumeyso sida AL Shabaab ay ugu jabeen Muqdisho, iyagoo xusay in AL Shabaab ay hanjabadyo joogto ah ku hayaan bahda Warbaahinta iyo dadka wax galka u ah shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegeen inay ka mideysan yihiin sidii Dowladda Soomaaliya ay gacan ugu siin lahaa la dagaalanka AL Shabaab iyo dhamaan kuwa dhibaatada ka wada dalka Soomaaliya.























Comments are closed.