Golaha ammaanka oo kukala aragti duwanaaday xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya

maalik_som November 1, 2012 Comments Off

New York-(Sh.M.Network)—15ka dal ee xubanaha ka’ah Golaha ammaanka ee  Qaramada Midoobay oo kulan ku yeeshay xarunta Golaha ammaanka ee Magaalada New-York ee Dalka Mareekanka ayaa waxaa ay ka doodeen in xayiraadda hubka laga qaado dalka Soomaaliya.

Diblumaasiyiintii ka soo qaybgalay kulankaasi ayaa waxa ay isku qilaafeen qaabka loo wajahayo xaaladaha Soomaaliya iyo in loo’ogolaado Soomaaliya soo iibsashada hubka kulankaasina wuxuu ku dhamaaday Isfahan la’aan.

Dalalka Xubnaha ka’ah Qaramada Midoobay ayaa isku qabtay intii ay socotay doodu in hadda go’aan laga gaaro waqti ukordhinta Ciidamada AMISOM iyo xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya iyoadoona ugu dambeyn inta badan xubnaha ay ucodeeyeen in todobaadka soo socda dib ay isugu soo noqdaan si go’aan looga gaaro arimahaasi.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in arintaan ay go’aan ka gaari la’dahay hase ahaate ay caqabad ku noqotay duufaantii ku dhufatay dalka mareekanka taasi oo hakisay habsami usocodka shirkaasi looga hadlayay arimaha Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter