UNITED NATIONS (Sh.M.Network)— Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa isku qilaafay sidii wax looga qaban lahaa codsi uu Ururka Midowga Afrika u gudbiyay kaasi oo sheegayay in dib u eegsis lagu sameeyo xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.
15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku mari waayay in wax laga badalo cunaqabteenta hubka ee Soomaaliya saaran, waxaana ay ka gaabsadeen in go’aan ay ka soo saaran arrinta hubka Soomaaliya.
Ururka Midowga Afrika ayaa ku doodaya in loobahanyahay in xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya dib u eegis lagu sameeyo si ciidamada AMISOM ay u helaan hub iyo qalab milatari oo ay kula dagaalamaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale la horgeyay arrimo ay ka midyihiin dowrka Ethiopia ee Soomaaliya duxusha sida sharci darada ah looga dhoofinayo Kismaayo iyo arrimo kale kuwaasi oo uusan goluhu isku afgaran.
1992-dii ayay aheyd markii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu ku soo ragay Soomaaliya xayiraada hubka, inkastoo ay jireen dhinacyo kale oo siyaabo kala duwan hub ku soo galinayay dalka.



















Comments are closed.