Prof Jawaari oo Baaq u Direy Xukuumada Cusub

maalik_som November 9, 2012 Comments Off

Muqdisho ( Sh.M..Network ) –Gudoonka sare Baarlamaanka Pro Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Golaha xukuumada cusub waxa uu ka codsadey in ay go’aano ka qaataan Talaabada ku aadan Dhoofinta dhuxusha oo ka socoto Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose .

Jawaari ayaa tilmaamey in ay horey u mamnuucdey Qaramada midoobey dhoofinta dhuxusha sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud bayaan ka soo saarey joojinta ku aadan dhoofinta dhuxusha sidaas darteed Golaha xukuumada looga baahan yahay iney cadeeso talaabada ay ka qaadaneyso dhoofinta dhuxushaasi oo ay haatan magaalada kismaayo ka wadaan ururka Raaskambooni .

Dhoofinta dhuxusha oo in mudo ah xayiraadi ka saarneed Dekada Magaalada Kismaayo  ayaa marka ay la wareegeen Ururka Raaskambooni Waxa ay bilaabeen in ay dhuxusha ka dhoofiyaan isla Dekada kismaayo ayadoona xusid mudan tahay ciidamada amisom eek u sugan halkaasi ay shaaciyeen in aysan wax lug ah ku laheyn .

Comments are closed.

Facebook

Twitter