Gobolada dhexe oo maanta si siman looga wada ciiday

maalik_som August 19, 2012 Comments Off

 Dhuusamareeb: (Sh. M. Network) Waxaa maanta si siman looga ciidan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. 

Sheekh Axmed Ilka-Case, guddoomiye ku xiggeenka guddiga Fullinta ee Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya oo waraysi siiyay saakay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qaabka Munasabadda Ciiddul Fidiriga looga dareemayo gudaha Magaaladaasi. 

Guddoomiye ku xiggeenka ayaa  waxa uu sheegay in Umadda Islaamka gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolada dhexe ay si wanaagsan u ciideyaan, wuxuuna sheegay in shacabka ay isaga marxabeynayaan Munaasabadda islamarkaana ay u kala dareereen Salaadda Ciidda.

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxa uu sheegay in Ciiddaani ay ka badalan tahay kuwii hore, maadaama horey dadka aysan si siman u Ciidi jirin, hase  ahaatee Ciiddaani la dhameystay 30-ka Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana xusid mudan in shacabka  guud ahaan meel waliba oo ay jooggaan ay u tamashleynayaan munaasabadda Ciidda.

Si kstaba gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa mararka qaar waxa ay ka dambeyn jireen kuwa kale, maadaama Maamulka Ahlu Sunna ee halkaasi  ka taliya ay ku boorin jireen shacabka inaysan Ciid aheyn oo aysan dhamaanin Bisha Soon, hase ahaatee maanta si siman looga wada ciidayo gobolada dhexe Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter