Baydhabo: (Sh. M. Network) Goobaha Masaajidda ee ku yaalla Gobolada Bay, Bakool, Hiiran, Sh/hoose iyo Sh/dhexe ayaa saakay waxaa buux dhaafiyay dad weyne aad u farabadna oo u hayaamaya inay dukadaan Salaadda Ciiddul Fidiriga, iyagoo dadka ay yihiin kuwa isugu marxabeynaya Ciidda,.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo ku sugan goboladaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Ciidda si aad ah looga dareemayo gobolada dalka, islamarkaana saakay ay u dareerayaan Masaajidda, waxaana ay ugu hambalyeeyeen shacabka inay Ciiddaa teedi kale uu bash bash ku gaarsiiyo.
Magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee gobolada Bay iyo Bakool oo dhawaan qeybo ka mid ah laga saaray Al Shabaab ayaa saakay waxaa laga dareemayaa jawi aad u farxad badan, iyagoo dadka ay yihiin kuwa isugu hambalyeynaya Salaadda Ciidul Fidriga sida uu Shabelle u sheegay Guddoomiyaha gobolka Bay ee dowladda KMG Soomaaliya C/fitaax Ibraahim Geeseey.
Sidoo kale gobolada Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa laga dareemayaa Munaasabadda Ciiddul Fidriga, waxaana maanta xusid mudan inay tahay maalin ku weynUmadda Islaamka meel waliba oo ay joogaan.
CIID WANAAGSAN, ayaan Hawada idinka leenahay Aqayaarta Qiimaha iyo Qadarinta Naga Mudan























Comments are closed.