Roma: (Sh. M. Network) Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Talyaaniga Giulio Terzi ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ku guuleysatay in laga gudbo xilliga Kumeel-gaarka ah, lana helo dowlad midnimo qaran oo guud ahaan xukunta dalka Soomaaliya.
Giulio Terzi ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay oo inka badan muddo 20-sano ah la helo dowlad dimuqraadiyad ah islamarkaan Soomaalidu ay isku dayaan inay wax la qeybsadaan Caalamka intiisa kale, ayna ka baxaan dagaalada sokeeye.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Talyaaniga ayaa waxa uu xusay in guushaani ay ka dambeysay dadaallo si wadajir ah ay u wadeen Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afirka iyo Saaxiibada Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay inay ka go’neyd Dowlad midnimo qaran oo soo celisa bilicdii ay lahaan jirtay Soomaaliya.
Ugu dambeyn Xukuumadda Talyaaniga ayaa sheegtay in beesa Caalamka ay tahay inay ka gaabin dadaalladii ay ku taageerayeen Soomaaliya islamarkaana hadda loo baahan yahay in si wada jir ah ay ugu qeyb qaataan dhisitaanka Ciidamadii Soomaaliya, iyo dib u dhiska Dalka Soomaaliya.























Comments are closed.