Baydhabo(Sh.M.Network)—Guddoomiyaha Gobolka bay Cabdi fitaax Ibraahim Geesey oo lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ay ku raad Joogaan kooxihii ka dambeeyay dilka loo geestay Guddoomiyihii Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Degmada Bardaale Max’ed Samow Cimraan.
Cabadi fitaax ayaa tilmaamay in gacan ka gardaran ay dishay Max’ed Samow oo ahaa Guddoomiyaha dhalinyarada Degmada Bardaale.
Geesey oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in ay heleen xog ku’aadan kooxihii maleegay Shirqoolkii lagu dilay Marxuumkaasi islamarkaana ay ku raad Joogaam.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in Marxuumka la dilay aanu wax wada shaqeyna aysan ka dhexeen Jirin isaga iyo Maamulka Gobolka Bay balse uu ahaa nin rayid ah oo ay dileen kooxa uu ku sheegay in ay yihiin kuwa Nabad diid ah haddii la soo qabtana shirciga la horkeeni doono.
Tan iyo Markii Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Ithopiya ay la wareegeen deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bay ayaa waxa soo bexeysay dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo lagula dhaqaaqo Ciidamada dowlada ,Xubno ka tir san Maamulka Gobolkaasi iyo dad kaloo rayid ah tasoo la sheego in ay geestaan rag ka tirsan Ururka Al Shabaab























Comments are closed.