Geellii Afgooye oo is hortaag lagu sameeyay

maalik_som August 25, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Qaar ka mid ah Nabadoonnada degmada Afgooye oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in guddoomiyaha degmadaasi uu bilaabay in uu isku diro qabaa illada dega degmadaasi. 

Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleed oo ka mid ah Nabadoonnadaasi ayaa waxa uu sheegay in guddoomiyaha degmada Afgooye maalmihii dambe uu waday shirar gooni gooni ah oo uu la yeellanayo beelaha degan degmadaasi, si qabyaalad uu ugu dhex abuuro bulshada ku dhaqan degmada Afgooye ee Sh/hoose. 

Sidoo kale Nabadoonkaani ayaa waxa uu sheegay in maanta gabi ahaamba xoolihii soo galli jiray Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa Gelle uu xannibay guddoomiyaha, isagoo ku andacoonaya in Isbaarooyin lacago canshuuro ah looga qaado Geellaasi uu dhigtay Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose deegaanka Siinka Dheer sida uu hadalka u dhigay, taasina maanta ay keentay in Guddoomiyaha degmada Afgooye uu is hortaag ku sameeyo Xoolihii Geella ee soo galli jiray Magaalada Muqdisho. 

Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo Magaalada Muqdisho u jira 30-KM ayaa dhawaan waxaa laga saaray Al Shabaab, iyadoo wali ay dhamaan la’dahay dhibaatooyinka iyo jahwareerka ka taagan degmada oo ay ugu dambeysay rasaas qasaaro gaystay oo shalay dad dhigayay banaanbax looga soo horjeeday Maamulka gobolkaasi ay rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ay ku fureen.   

Comments are closed.

Facebook

Twitter