Muqdisho: (Sh.M.Network) Kullan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug State iyo Culumaa’udiinka Alu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay ku shaaciyeen in labada Maamul ay gaareen heshiis ku aaddan iskaashiga dhinaca ammaanka iyo qodobo kale oo dhowr ah.
Kullanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna gaar ahaan, Guddoomiyaha guddiga Fulinta Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefoow iyo Xubno ka socday guddiga Tallada iyo sidoo kale Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa lagu falan qeeyay sida ugu fudud ee la isaga kaashan karo xaqiijinta ammaanka deegaannada ay ka taliyaan labada Maamul, iyadoo qodobadii looga hadlay kullanka ay ku jiraan in Maamul goboleed loo dhan yahay ay sameystaan labada dhinaca.
Galmudug ayaa dhankeeda sheegtay in Ahlu Sunna ay kala shaqeyn doonaan dhinaca ammaanka iyo wacyo gallinta ku aaddan deegaannada ay Maamulaan labada dhinaca, iyadoo Warsaxaafadeed halkaasi kasoo baxay uu Warbaahinta u aqriyay Cabdullaahi Salaad oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Galmudug.
Ugu dambeyn Sheekh Xeefoow oo dhankiisa Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qodobadii ay isla falan qeeyeen Galmudug ay soo dhaweynayaan islamarkaana loo baahnaa sida uu hadalka u dhigay.























Comments are closed.